Haweeneydii Ugu Horeysay ee Kamid Noqotay Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadir oo La Doortay

0

Xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir  ayaa maanta dib ugu bilowday doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya beelaha banaadiriga.

Waxaa maanta loo tartamayay kursiga labaad Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga, iyadoo labo musharax ay ku tartamayeen.

Kursigan oo ahaa kursi ay haween kaliya ku tartamayeen ayaa waxa uu ahaa kursiga qoondada Haweenka ee Beesha Bandhawow oo ka mid ah beelaha banaadiriga,waxaana ku tartamayay ,Marwo Fahmo Axmed Nuur  iyo Tuuma Cusmaan Nuur, balse inta aysan doorashada bilaaban waxaa isaga hartay tartanka  Caasha Maxamed Xuseen.

Labada Musharax ee isku soo haray tartankaan oo kala ah Fahmo Axmed Nuur iyo Tuuma Cusmaan Nuur ayaa ahaa Ilmo adeero, waxaana kursiga ku guuleystay Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod oo ah dhamaan cododka ergadii wax dooraneysay, fahmo ayaa kursigaan ku matalaysay Beelaha Banaadirga muddo 12-sano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here