Inta la xaqiijiyay 20-ruux oo isugu jira Caruur iyo dad da’ ah ayaa ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii uu ka dilaacay deegaankaas Cudurka Shuban Biyoodka.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 20-ruux ay cudurka u geeriyoodeen islamarkaana 10-ruux kale ay sariiraha u jiifan iyagoo aan helin dawooyinkii loogu talagalay Cudurka Shuban biyoodka.
Hadalkiisa waxa uu intaas ku daray in degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe aysan haatan gacan ku haynin wax maamul ah islamarkaana ay tahay degmo ay labada dhinac ay ka joogaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab, taasina ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

