Sida ay Heshay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho Ciidamada Dowlada Kenya ayaa bilaabay Afduub, Jir dil iyo dhac ay u geysnayaan dadka Soomaalida ah ee ku Nool Magaalada Mandheera ee Gobalka Waqooyi Bari iyo deegaano kale ku xeeran.
Ciidamada Kenya oo iskugu jira Nabad Sugid,Boolis iyo Militari ayaa Maalmihiin danbe waxay ay bilaabeen Howlgal ay si gaar ah ugu Bartilmaameed sanayaan Dadka Soomaaliya ku Nool Magaalada Mandheera iyo deegaano kale oo dhaca Soohdinta ay wadaagaan Gobalada Gedo iyo Waqooyi Bari kenya.
Xogtaan ay Heshay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Muujinaysa in Ciidamada Kenya ay Afduud Jir dil ay u Geysteen dad iskugu jira Odayaal’Haween iyo Gabdho da’yar oo qaar la kufsaday
Mid kamid ah Ganacsata magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari Kenya oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamed aadan oo ay Waraysatay Idaacada Xili uu ka walwalsanaa halka ay ku danbayn doonto Xalada Eheladii la Afduudtay ayaa Sheegay in Dhibaatada Ciidamada Kenya ay ku hayaan Soomaaliya Mandheera ay tahay Mid aan loo meel dayin.

