Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in la’aanta beesha Caalamka xal waara laga gaari karo xiisadda u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Glmudug ee ka jirta Magaalada Gaalkacyo.
C/rashiid Xaashi Cartan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal waara laga gaari karo Colaada Magaalada Gaalkacyo iyadoo aan wada tashi lala sameenin beesha caalamka oo haatan kaalin weyn ku leh nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.
“kulanka aan isugu imaanay ma ahan mid ka yimid beesha caalamaka waa mid ka go’an labada maamul,beesha Caalamka si walba ay ugu qeyb tahay nabadeynta Gaalkacyo, hadana anaga ayay naga go’an tahay nabadeynta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug”, ayuu yiri C/rashiid Xaashi Cartan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhanka kale Guddigii dhawaan la magacabaay ayaa maanta lagu wadaa in ay kormeero ku tagaan goobihii laga durjiyay labada Ciidan si meesha loogu saaro qalalaaso mar kale dib ugu soo laabto Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

