Raisulwasaare Cumar:- Afartii Sano Aynu Soo Dhaafnay Dalka Waxaa La Galiyay Dib u Dhac

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land kula kulmay xubnaha labada ee ka imaanaya deeganada maamulkaas ayaa ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax walba oo dib  u dhac dalka u keeni karo.

Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in afartii sano aynu soo dhaafnay dalka laga galiyay dib u dhac islamarkaana ay soomaliya xiligaan u baan tahay hogaan cusub oo dalka ku hogaamiya guulo la taaban karo.

“Waxaan Xildhibaanada kala hadlay sidii Barlamaanka soo socda uu uga fogaan lahaa is qabqabsi iyo sidii Ummadda Soomaaliyeed dib u heshiisiin loogu sameyn lahaa isla markaasna Amniga loo adkeyn lahaa iyo sidii nidaamka Federaalka looga dhigi lahaa mid u shaqeeya dalka iyo dadka” ayuu yiri Raisul wasaaraha oo dhanka kale sheegay iney muhiim tahay in la hormariyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya, isla markaasna dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa haatan loolan ugu jiro sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here