Dowladda Kenya oo Wali Ku Guuleysan La’ Dhismaha Darbiga

0

Dowladda wadanka Kenya ayaa wali ku guuleysan in ay dhameystirto  3KM oo kamid ah mushruuca lagu dhisaayo darbiga  si loo xaqiijiyo amaanka guud ee dalka Kenya.

Mushruucaan waxaa soo hindistay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Kenya sanadkii 2015-kii, balse dhameystirka darbiga ayaa xiligan wajahaayo caqabado badan sida uu qoray Wargeyska Dailynation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Maj-Gen K.T. Chepkuto oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya oo kormeer ku maray halka laga dhisaayo darbiga ayaa sheegay in meelo wanaagsan ay marayaan dhismaha darbiga islamarkaana 4-ta bilood ee nagu soo aadan la dhameystiri doono.

Sidoo kale Maj-Gen K.T. Chepkuto oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya ayaa tilmaamay in Ciidamada Kenya oo gacan ka helaya kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ay sii wadi doonaan dagaalka kula jiro Al-shabaab.

Go’aanka darbiga dowladda Kenya ay kaga dhisayso xuduuda ay la wadaagto Soomaliya ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa University College bishii april ee sanadkii 2014-kii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here