Ra’iisul-wasarah Waqtigiisu idlaaday ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo caawa ku hoyanaya Magaalada Kismaayo ayaa kulan uu kaga dhaadhicinayo xildhibaanada labada aqal ee dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo Siyaasaddiisa Musharaxnimo waxaa uu magaaladaas kula leeyahay Xildhibaanadii la doortay.
RW Cumar ayaa kulan Casha sharaf lagu sheegay oo aan looga yeerin wax warbahin ah waxaa uu Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo uu kula leeyahay Xildhibaanada Labada aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo,Xubno la dhacsan siyasaddiisa iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii ay xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha ay codkooda u siin lahaayeen Mudane Cumar C/rashiid oo hadda isagu noqday musharxii ugu horreeyey ee la kulma xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee hadda la doortay si uu uga dhaadhiciyo inay codkooda siiyaan.
Waxaa jiro warar xaqiijinaya in Kulankaan xubanaha labada aqal ee uu la kulmay RW cumar oo sheegay in kulankan uu yahay mid horay loo qorsheeyey abaabulkiisuna uu maalmahaan ka socday magaalada Kismaayo ayna ka shaqeynayeen xbno ka tirsan maamulka Jubbaland.

