Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha Gobolka Banaadir ayaa saakay shaqo joojin sameeyay kadib markii cabasho ay ka muujiyeen Lacago badan ay kusoo rogtay Shirkadda Takaaful oo ah shirkad ku cusub dalka oo dhawaan sheegtay in ay Caymis u sameyn doonto Gaadiidleyda.
Waxaa saakay aan shaqeynaynin dhamaan gaadiidka dadweynaha ee iskaga kala gooshayay degmooyinka Gobolka Banaadir sababo ku aadan lacago badan oo lagu amray in ay bixiyaan Wadayaasha gaadiidka oo aysan awoodin xiligaan.
Gudoomiyaha Guddiga Iskaashatooyinka Gaadiidleyda Gobolka banaadir Mudane Maxamed Rashiid oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in culeys badan lasoo saaray gaadiidleyda Gobolka Banadir, isla markaana laga qaado $20 oo ganaax ah iyo $60 oo ceymis ah oo aysan xiligaan awoodin in ay bixiyaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Guddiga iskaashatooyinka Gaadiidleyda Gobolka banaadir Maxamed Rashiid in shirkadda Takaaful ay adeegsanayo xiligaan Ciidamada Taraafikada dowladda Federaalka Soomaliya oo xiligan xarig kula dhaqaaqayo gaadiidleyda cabanaya.

