Galmudug oo Ku Dhawaaqday Xiliga Lasoo Gaba-gabeyn Doono Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in maamulkiisa maalinta Arbacadda  Taariikhdana ay ku beegan tahay 30/11/2016 uu  soo gaba-gabeyn doono doorashada xubnaha aqalka Hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.

Madaxweyne Guulleed  oo Magaalada Cadaado kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka Aqalka Hoose ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday Magaaladaas iyo Abaaraha ka jira deegaanada Maamulka Galmudug.

“Waxaa sharaf weyn inoo ah in aan Magaalada Cadaado kula kulano Wafdi heer sare oo uu hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating ujeedka ay Magaaladaan usoo gaareen ayaa ah sidii ay u indha indheen lahaayeen doorashooyinka aqalka Hoose, runtii waxa aan u sheegnay in meel gaba-gabo ah ay marayaan doorashooyinka islamarkaana maalinta Arbacada ah lasoo gaba-gabeyn doono”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay u aqaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating In ay kala hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deeganada Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here