Warbixin gaar ah oo lasoo saaray ayaa dawlada Maraykanku waxaa ay ku sheegtay in sanadkaan oo kaliya ay 14 weerar ka fulisay gudaha Somaliya kuwaas oo ay la beegsatay dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.
Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee loo yaqaano Africom in bishii March ee sanadkaan weerar ay ka fuliyeen Somalia ay ku dileen 150 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab inkastoo aan lahelin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Maraykanka.
Sidoo kale Marayknaka ayaa tilmaamay in weerar isdifaac ah oo ka geystay Koofurta Somalia bishii September ee isla sanadkaan uu ku dilay 10 ka tirsan dagaalyahanada Al shabaab.

