Wararka ka imaanaya degmada waabari ayaa ku waramaya in gaari kuwa Raaxadda ah in uu ku qarxay Wadda Afasiyooni ee degmadaas.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu yaalay wadda aada dhanka garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale jirey dad ku ganacsanaayay goobta uu qaraxa ka dhacay oo u badnaa haweenka iibiya qudaarta.
Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday tiro kalana way ku dhaacmeen, dadkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha Caafimaadka.
Dhanka kale Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga qarxay, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.








