Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta oo ah isniin ah mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwad ka dhan ah xiritaanka xeryaha Dhadhaab ee qaxootiga gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Dacwaddan waxaa maxkamadda u soo gudbiyay ururro ka shaqeeya dhinaca arrimaha bulshada dalka Kenya, kadib markii ay sheegeen in Xerada ay buux dhaafisay islamarkaana ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahadanada Xarakada Al-shabaab.
Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya waxa lagu sheegaa in ay ku noolyihiin nus malyuun qof oo u badan qaxooti Soomaali ah,inkastoo dhawrkii bilood ee ugu dambaysay ay jiraan dad badan oo kasoo laabtay.
Dhanka kale dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in muddo lix bilood ah lagu kordhiyay waqtiga la xiri doono xeryaha Dhadhaab ee qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo hoy u ah soomali badan.

