Dab Ka Kacay Dukaan ay Dhex Hurdayeen Muwaadiniin Soomaliyeed Dalka Koonfur Afrika+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay Afar ka mid ah Muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika ayaa geeriyootay kadi markii uu Dab ka kacay Dukaan ay dhex hurdayeen oo ku yaalla tuulada Injolli duleedka Magaalada PE ee Dalka Koofur Afrika.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dab uu ka kacay dukaanka ay jiifeen muwaadiintaan soomaliyeed, halka sidoo kale warar kale ay sheegayaan In kooxo burcad koonfur afrikaan ah ay dab qabad siiyeen dukaanka ay jiifeen Soomalidaas.

Muwaadiintan geeriyootay ayaa lagu  kala Magacaabi jiray, Axmed Xooshow, Xuseen Cali, iyo Labo kale oo Magacyadooda lagu soo gaabiyay Aweys iyo C/rashiid sida lagu daabacay bage-ka baraha bulshada ee Soomalida koonfur afrika.

Waxaa xiligaan walaac cabsi badan  ay soo  wajahday soomalida ku dhaqan tuulada Injolli duleedka Magaalada PE ee Dalka Koofur Afrika.

Dhanka kale, waxaa Xaafadda Mayfair ee Johannseburg ka dhacay banaanbax xooggan oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaladaasi.

Mudaharaadkaas oo Dowladda Hindia loogu dalbanayay inay xorriyaddooda siiso muwaadiinta ku xiran Dalkeeda muddo Sanado ah, iyadoo Dowladda Soomaaliyana ugu baaqay inay xoogga saarto sidii Dhallinyaradaasi loogu soo celin lahaa Dalkooda.

ka1-1 ka3 ka4-1 ka4 ka4-1 ka5 ka6 ka7 ka8

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here