Faah-faahin:-Dagaalo Beeleed Goordhaweyd Ka Qarxay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiran ayaa ku waramaya in dagaalo u dhaxeeya Labo meleeshiyo beeleed in uu kasoo cusboonaaday Galbeedka Magaaladaas.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka socda  Deegaan Lagu Magacabo Doon Maleeyko oo qiyaasti 10KM Dhanka Galbeed Kaga Beegan Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo labo maleyshiyo beeleeyd oo wada daga Degaan kaasi waxaana dadka degaanka ay warbaahinta  u xaqijiyeen In rasaas Iyo madafic ay labada dhinaac Is wedarsanayaan Waxaana Inta hada la og yahay dagalkaas ku Geeriyootay Illa 2 ruux tiro kalana ay ku dhawacmeeyn kuwaas oo ah dhinacyadi dagalamayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu goordhaweyd oo galabta ah uu bilowday islamarkaana ay haatan ku howlan yihiin joojinta dagaalka iyo sidii loo kala dhexgali lahaa labada Maleeshiyo beeleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here