War Deg Deg:-Ciidamada Galmudug oo Xabsiga Dhigay Agaasimaha Idaacadda Hobyo Radio 

0

Ciidamada amaanka dowlada Goboleedka  Galmudug ayaa goordhaweyd xabsiga dhigay Agaasimaha idaacadda Hobyo Radio  Xarunta Magaalada Gaalkacyo Axmed Khaliif Geedi.

Sababaha xariga agaasimaha ayaa lagu sheegay kadib markii idaacadaas ay saakay baahisay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay hoteel uu madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed uu ka dagnaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Galmudug oo xarunta idaacadda gaaray goordhaweyd  ayaa ku wargaliyay agaasimaha in loogu baahan yahay saldhiga booliska si wax loogu weydiiyo halka ay kasoo xigteen in weerar  qorshaysan lagu qaaday hoteel uu madaxweynaha Galmudug uu ka dagan yahay Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale Madaxtooyada Dowlad Goboleedka  Galmudug ayaa  beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen hoteel uu magaalada Gaalkacyo ka daganaa Madaxweynaha Galmudug.

Afhayeenka Madaxweynaha Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax Roob da”ay ayaa Been abuur ku tilmaamay Wararka sheegaya in xalay weerar lagu qaaday Hotelka Five Star ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana uu hadda degan yahay Madaxweynaha Galmudug,waxaana uu sheegay Afhayeenka in Warkaasi uu yahay mid aan Sal iyo raad midna laheyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here