Wafdi uu Hogaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Danjire Michael Keating ayaa barqanimadii maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa ku soo dhaweeyay wafdigaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Michael Keating, ayaa ujeedka uu u tagay Magaalada Baydhabo, waxaa lagu sheegay inay tahay ukuurgalka sida ay ku socdaan Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.
Kulan ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Madaxweynaha Maamulkaas waxa uu Denjiraha warbixin ka siiyay sida ay u socdaan doorashada xubnaha aqalka Hoose iyo sida loo xaqiijiyay Qoondada haweenka ee baarlamanka Federaalka Soomaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Danjire Michael Keating ayaa dhawaanahaan ku mashquulsanaa xalinta colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee u dhaxaysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

