Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta  Puntland+Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 November, 2016 waxa uu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta   Puntland , saraakiishaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan  oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka iyagoo aqoonta dhinaca ciidanka ee ay soo qaateen ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Madaxweynaha Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan  dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu u dallacsiiyay saddex xiddigle , waxaana dhamaantood laga sugayaa inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si daacadnimo ah.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban u jeediyay saraakiisha uu dallacsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ee ay usoo dhamaysteen tababarkii loo diray laba sano ka hor , wuxuuna ku adkeeyey inay kasoo baxaan masuuliyadda ka saaran dadka iyo dalka iyo sidoo kale inay ka qayb galaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

Ugu danbeyn, Madasxweynaha  Puntland ayaa ku howlan qorshayaasiisa ku salaysan tababarida iyo tayaynta ciidamada kala duwan ee Puntland.

img_0097-1 img_0099-1 img_0106 img_0110 img_0113 img_0116 img_0125 img_0127 img_0132 img_0133 img_0142 img_0163

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here