Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta Go’aan ka gaaraya isarasaaseentii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.
Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayay ugu hadleen israsaaseentii Xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee dhexmartay Ciidamada xarunta Shirka iyo askar uu watay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo loolan ugu jirey helida kursiga baarlamanka Federaalka Soomaliya.
Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa wareegii koowaad looga cod badiyay, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux isagoo helay 21 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Timacade uu helay 24 cod.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka shirka, islamarkaana dad taageersan ay damiyeen korontada howlka shirka, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.
Intaas kadib waxaa jirey rasaas xoogan oo xalay laga maqlay hareeraha xarunta Shirka Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle oo dhexmartay Ciidamada ilaalada Magaaladaas iyo kuwii uu watay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya, tiri dad ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen.

