Ra’i aruurin lasameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka Kenyan-ka ah 70% ay doonayaan in Ciidamadooda laga saaro gudaha dalka Soomaliya si ay u yaraadaan weerarada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan magaalooyinka dalkaas.
53% dadka kenyaan-ka ah ayaa doonaya in Ciidamada Difaaca Kenya in lagu ekeeyo oo kaliyah xaduuda Soomaliya iyo Kenya ay wadaagaan, halka 9% ay doonayaan in Ciidamada Kenya lagu soo celiyo dalkooda, dalalka dariska ahna ay raadiyaan Ciidamadii badali lahaa kuwa Kenya, 8% ayaa doonaya in Ciidamada si sharuud la’aan loogu saaro Soomaliya iyadoo aan la raadineenin Ciidamadii badali lahaa.
Warbixin ay sii deysay Twaweza East Africa ayaa lagu sheegay in dadka kenyaan ay doonayaan in ciidamadooda laga saaro Soomaliya si loo soo celiyo nabadgalyada magaalooyinka dalka Kenya, kadib markii Al-shabaab ay kordhiyeen tan iyo sanadkii 2011-kii weerarada ay ku qaadaan magaalooyinka dalka Kenya.
Dhanka kale Ra’i aruurinta lasameeyay ayaa lagu ogaaday in 80% dadka kenyaan ah ay doonayaan in la xiro xerayaha qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ee lagu magacaabo Dhadaab si amaanka Kenya uu dib ugu soo laabto.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weeraro qorshaysan ku qaaday magaalooyin ka tirsan dalka Kenya kuwa ugu sameeynta badnaa ayaa ahaa kuwii ka dhacay Garissa University (Jaamacadda gaarisa) weerarkii magaalada Mandeera ka dhacay iyo kii ka dhacay suuqa Ganacsiga ee Westgate Mall.

