Nabadoon Yuusuf shire Warsame oo kamid ah odayaasha ka soo jeedo degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa ku eedeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug in uu ka danbeeyo dagal beeleedki dhawaan ka dhacay degmada caabudwaaq.
Nabadoonka oo la hadlayay idaacadda simba ayaa waxa uu tilmaamay inan weli la xalin dagaalki dhawaan ka dhacay degmadaasi isagoona nabadoona carabaabay in madaxda galmudug ay qeyb ka yihiin xiisadaha colaadeed ee ka jiro degmada caabudwaaq.
Nabadoon Yuusuf shire Warsame ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka galmudug uu ku shaqeynayo haatan qaab qabiil islamarkaana uusan awood buuxdo u laheyn xalinta dagaalki dhawaan ka dhacay degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud.
Nabadoonka ayaa sheegay inaan weli si rasmi logu guuleysan kala qaadida maleeshiyaadki dhawaan ku dagaalamay caabudwaaq isagoona galmudug ku tilmaamay maamul aan u jajabneen xalinta colaada ka aloosan caabudwaaq.

