Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar dhagey oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa cadeeyay halka lagu dooran doono xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land.
Abuukaate Cumar Dhagey ayaa sheegay in labadii maalin aynu soo dhaafnay ay tababar u qabteen boqorada iyo salaadiinta Gobolada Woqooyi ee Somali-land islamarkaana ay wax badan ugu kordhiyeen qaaabka loogu qeyb qaadanaayo doorashada dalka Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cumar dhagey ayaa tilmaamay in qilaafkii ka taagnaa halka lagu dooranayo xubnaha aqalka Hoose ee deegaanada Somali-land in xal laga gaaray haatan islamarkaana dhawaan Magaalada Muqdisho lagu dooran xubnahaas.
Siyaasiyiinta, Salaadiinta, iyo waxgaradka Beelaha Dir Waqooyi ee Maamulka (Somaliland) ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa sanadkaan 2016-ka, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.

