Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa soo bandhigay goordhaweyd Xubnaha musharaxiinta maanta ku tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle
Maanta waxaa loo tartamayaa ilaa shan kursi, iyadoo isku waqti ay dhaceyso doorashada sida guddiga uu shaaciyay.
Saddex ka mid ah kuraasta maanta la dooranayo waa Beesha Xawaadle, waxaana ugu adag Kursiga ay ku tartamayaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Mudane C/fataax Xasan Afrax iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Hadaba Kursaasta Qabiilada ee loo tartamayo Xildhibaanada Aqalka Hoose waxay kala yihiin sidan
Kursiga 1aad – Beesha Yaxar
1- Khadiijo Maxamed Diiriye
2- C/llaahi Maxamuud Xayle
Kursiga 2aad Xawaadle Cali Madaxweyne-
1-Dahabo Xasan Axmed
2- C/fataax Xasan Afrax
3- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
4- Xasan Cali Cabdi
5- C/raxmaan Jimcaale Cusmaan
Kursiga 3aad reer Ow-Xasan
1- Faarax Sheekh C/qaadir
2- Cusmaan Axmed Maxamed
3- Ilyaas Maxamed C/kariin
Kursiga 4aad Xawaadle-Cabdale
1- Maxamed Xasan Ibraahim Qoono
2- Bishaar Xasan Xirsi
3- C/casiis Xasan Camalow
Kursiga 5aad Xawaadle Ibraahim Ciise
1- C/risaaq Cumar Maxamed
2- Cabdi Yuusuf Guurre

