Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa ka hadlay sababaha ka dambeeyay in irdaha la iskugu dhufto Radio Galgaduud xaruntiisa degmada Gurceel ee Gobolkaas oo maalintii labaad Hawada ka maqan.
Shiikh Mursal Sheekh Maxamed Xeefow oo ah Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa wuxuu sheegay sababta Idaacadaasi loo xiray inay tahay buun buuninta warar lidi ku ah dhanka ammaanka deeganada uu gacanta Maamulka Ahlusuna.
Afhayeenka waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka Radio Galgaduud xaruntiisa degmada Gurceel ee Gobolkaas ay dhowr jeer oo hore ugu digeen in aysan baahinin wararka lidiga ku ah Maamulka, sidoo kalana aysan baahinin wararka Al-shabaab oo dagaal ay kula jiraan balse ay arimahaas ay ka dhaga adeegaan maamulka idaacadda.
Radio Galgaduud ayaa ah Idaacad madaxbanaan oo xarumo kuleh degmooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud waana Idaacad ay si weyn u dhageystaan Wararka iyo Barnaamijyadeeda Bulshada ku nool Magaalooyinkaas.

