Wakiilka Xog hayaha guud Ee QM u qaabilsan ariamaha Soomaaliya Mechel Keating ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo haatan kulan albaabaha ay u xiran yihiin Magaaladaas kula leh Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa Magaaladaas.
Kulanka Labada Mas’uul u dhaxeeya ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa heshiiska xabad joojinta dhawaan laga gaaray colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wakiilka Xog hayaha guud Ee QM u qaabilsan ariamaha dalka Soomaaliya Mechel Keating ayaa sidoo kale Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo kula kulmi doona saacadaha soo socda Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guullleed oo isna ku sugan Magaaladaas.
Dhanka kale Kulan looga hadlaayo fulinta heshiiskii Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo Magaaladaas iyadoo kulanka ay ka qeyb gali doonaan madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Wakiilka Xog hayaha guud Ee QM u qaabilsan ariamaha Soomaaliya Mechel Keating iyo Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

