Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada dowlad Goboleedka Jubba-land.
Baarlamanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u codeeyay maanta Shanta xubnood ee ugu dambeeyay mudanayaasha Aqalka hoose ee maamulkaasi u matali doona baarlamaanka Dowladda dhexe ee Soomaliya.
Mudanayaasha la doortay ayaa kala ah:-
Sahro Xaaji Xuseen
Maxamed Nuur Iftiin
Shambaro C/qaadir Maxamed
Cusmaan Saqaar Ibraahim iyo
Yuusuf C/fitaax Maxamed Cali.
Horey waxaa loo doortay xubnaha kala ah 1: Cabdi Cali Xasan, 2:Cabdicasiis C/laahi Maxamed 3: liibaan Cabdi Cismaan, 4:Cabaas Cabdullaahi Sheeq Siraaje 5:Maxamed Diiriye Khaliif 6:Cali Maxamed Muuse. 7-C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxman dheere) 8-Axmed Cismaan Ibraahim 9-Sacdiyo Muuse C/laahi 10-Farxiyo Xasan Axmed 11-C/qaadir Sheekh Cali 12- Sheekh Nuur Maxamed Xasan. 13-Cabdirashiid Maxamed Xidig. 14-Xamse Sheekh Xusseen. 15-Cabdullaahi Yuusuf Alankey. 16-Maryan Aweys Jaamac. 17-Cismaan Libaax.

