Shacabka Magaalada Mandhere oo Loogu Baaqay in ay Caawiyaan Laamaha Amaanka

0

Maamulka Magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Magaaladaas in ay ka caawiyaan laamaha amaanka sidii loola dagaalami lahaa xagjirnimada.

Isagoo ka hadlayay kulan ay dadweyne usoo baxeen magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya  Guddoomiyaha Mandera Ali Roba ayuu sheegay in argagaxisada ay si weyn u dhaawacday horumarka deegaanka.

“Waa in dadka deegaanka Magaalada Mandheera ay soo dhaweeyaan dadka kale ee dalka si loo hagaajiyo dhaqaalaha, ma jiro gobol ku shaqayn kara go’doon. Al Shabaab aya naceyb iyo jahawareer nagu abuuray . ayuu yiri  gudoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba  ayaa  uga ugu baaqayy hay’adaha ammaanka inay la dagaalamaan argagaxisada balse ay waxyeeleenin dadka deegaanka oo aan waxba galabsan  iyagoo adeegsanaya magaca weerarrada argagixiso.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo  hore weeraro ku qaaday Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari, weerarkii ugu dambeeyay ayay ku dileen 12-ruux oo kenyaan ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here