Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ee degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay irdaha isugu dhuftay Xarunta Radio Galgaduud ee degmadaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Radio Galgaduud ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan kuwa ahlusuna oo aad u fara badan ay gaareen xarunta idaacadda islamarkaana ay amar ku bixiyeen in hawada laga saaro idaacadda.
Xiriiro aynu la sameenay Maamulka Ahlusuna Waljameeca inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno, waxaase xusid mudan in uu jiro wali isfamwaa u dhaxeeya Warbaahinta ka howlgasha Gobolada dhexe.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed(Nusoj) aynu la xiriirnay iyagana inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno.

