Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka Hadlay dagaalka uu Maamulkiisa Kula Jiro Shabaab+Dhageyso

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo ay kamid ah yihiin doorashooyinka iyo dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha Shaati Gaduud ee Magaaladaas  kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya mudane C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye iyo labada Golle ee Maamulkaas.

Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay guulaha safarkii uu ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka iyo doorashooyinka aqalka hoose ee dhawaan ka bilowday Magaalada Baydhabo.

“Waxaan mudooyinkii dambe safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, waxaan soo dhaweynayaa doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaan ugu baaqayaa kuwii la doortay in ay kasoo baxaan shaqooyinkii loo doortay, kuwa dhimana waxaan u rajeynayaa in ay ku guuleystaan xilalka ay doonayaan”, ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya,  iyo Al-shabaab waxaana uu sheegay in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo maamulkiisa sidoo kale  shacabka koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay taageero siinayaan Ciidamada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here