
Booliska dalka Kenya ayaa maanta dab qabad siiyay hub sharcidaro ahaa oo lagu qiyaasay 5,250 kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgalo ay Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalooyinka dalka Kenya mudooyinkii aynu soo dhaafnay.
Hubka dabka la qabab siiyay ayaa iskugu jirey qoryaha Ak47, bastoolado iyo hubab kale
Goobta hubka lagu gubaayay ayaa ah deegaanka Ngong, oo u dhow Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaana ka qeyb galay Madaweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto iyo Mas’uuliyiin kenyaan ah.
“Hubka in ay iska wataan shacabka oo gacmahooda ay ku adeegsadaan waa waxyaalaha sharcidarada ah oo dowladda ay horey ugu digtay, waxay sidoo kale keeni karaan in amaan daro ay kusoo kordhiyaan guud ahaanba dalka,waxay dadka sidoo kale adeegsan karaan xiliyada rabshadaha ay dhacaan madaama ay doorasho dalka kusoo foodleedahay”, ayuu yiri Madaweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.
Dowladda Kenya ayaa la daala dhacaysay amaan xumi tan iyo markii Ciidamadeeda ay soo galeen gudaha dalka Soomaliya sanadkii 2011-kii, waxaa jirey weeraro toos ah iyo qaraxyo ay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalkaas.






