Siyaasiyiinta, Salaadiinta, iyo waxgaradka Beelaha Dir Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa sanadkaan 2016-ka, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.
Shir jaraa’id oo ay wada-jir maanta ugu qabteen magaalada Muqdisho ayay kaga hadleen kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho ee Caasimada , waxayna ka soo saareen dhowr qodob.


