Muwaadiniin Somaliyeed oo Laga Soo Badbaadisay Meelaha Dagaaladu ay Ka Socdaan Dalka Yemen

0

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda socdaalka aduunka ee magaceeda loo yaqaano IOM ayaa waxaa ay sheegtay in muwaadiniin u dhalatay dalalka Somalia iyo Ethiopia ay bilowday in ay kasoo daad gurayso goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee dlaka Yemen halkaas oo ay ku go’doomiyeen dagaalada xoogan ee u dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo dawlada dalkaas.

Hay’adda ayaa waxaa ay shaacisay inay bilowday hawlahaan ay ku soo daadguraynayso dadka isugu jira Itoobiyaanka iyo somalida kadib markii ay si kumeel gaar ah u istaageen dagaaladii iyo duqymihii ka socday goobaha ay dadkaas ku go’doosanyihiin.

Mohammed Abdiker,oo ah agaasimaha waaxda hawglada iyo xaaladaha deg dega ah ee IOM ayaa waxaa uu sheegay in waxa ka dhacaya gobolka ay yihiin arrin ay aad uga walacsanyihiin.

Waxaa uu sidoo kale intaas ku daray in illaa iyo hadda boqolal qof ay soo daadgureeyeen kuwaas oo xaalada dhibaato ah ka jiray.

Dadkaan Somalida iyo Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ay isugu jiraan kuwaa wadanka Yemen si qaxootinimo ah ugu noolaa iyo kuwa dagaalku ku dhacay ayaga oo doonayay in ay u gudbaan dalka Boqortooyada Sucuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here