Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa goordhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay wajiga 4-aad ee doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya deeganada maamulka Jubba-land.
Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa lagu doortay 5-xubnood waxaa kamid ah xubnaha maanta la doortay 1. Max’ad Cabdi Gaandi 2. Xaawo Maxamed Aadan 3. Isaaq Aadan Xasan4. Maxamed Aadan Macallin 5. Maxamed Xasan Idiris.
Amaanka Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land ayaa si weyn loo adkeeyay maalmihii lasoo dhaafay, iskastoo maanta inta aysan bilaaban doorashada ay la waregeen xarunta doorashada ciidamo ka tirsan kuwa Jubba-lnd oo ka cabanayay Mushaaar la’aan.

