Hub iyo Dad Looga Shakiyay in Xiriir ay La Leeyihiin Al-shabaab oo Lagu Qabtay Magaalada Beledweyne

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya howgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen dad lala xiriirinaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Howlgal ay si gaar ah Ciidamada ugu sameeyeen xaafada Buunda weyn oo dhawaan ay ka dhaceen dilal qorshaysan waxaana  la sheegay in Ciidamada ay gacan ku dhigeen 9 ruux Afar qori oo Ak-47 ah iyo Bistoolado.

Saraakiisha Ciidamadaan hogaaminaysay ayaa sheegay howlgalka inuu sii socon doono inta amaanka Gobolka Hiiraan laga xaqiijinayao, waxayna tilmaameen in baaritaan lagu sameynaayo hubka iyo dadka la soo qabtay intaba.

Dhanka kale Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Gobolka Hiiraan ee bartmaha dhulka Soomaliya Maxamed Cumar Cabdulle, ayaa Saxaafadda u sheegay dadka la soo qabtay iyo hubkaba in hubin ay ku socoto.

Dhawaan Xaafada Buunda weyn Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraaan waxaa lagu dilay Laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya Mas’uuliyada dilka waxaa sheegtay Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here