Dowladda Ethopia oo Madaxweyne Donald Trump Ugu Baaqay in uu Xoojiyo Xiriirka Ka Dhexeeya Labada Dowladood

0

Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn ayaa hambalyo u direy madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump oo Arbacadii noqday madaxweynihii 45-aad ee hogaamiya dalka Mareykanka, wuxuu xilka ku guuleystay kadib loolan uu la galay Hillary Clinton oo aheyd musharaxa xisbiga Democratic party.

Mr Hailemariam Desalegn Raisulwasaaraha dalka Ethopia  ayaa u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump in uu ku guuleysto xilka Madaxtinimada dalka mareykanka 4-sano ee soo socota.

Sidoo kale Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn ayaa cadeeyay in ay rajeynayaan in la hormariyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Ethopia iyo hormarinta Ganacsiga ka dhaxeeya Labada dowladood.

Dowladda Ethopia oo ah dowladda  labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa kamid ah dowladaha sida weyn saaxiibka  ula ah dowladda Mareykanka iyagoo iska kaashada la dagaalanka Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.

“Hambalyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Mr Donald Trump ka dowlad ahaan waxaan aad u rajenaynaa in lasii hormariyo xiriirka labada wadan ka dhaxeeya, dhanka amaanka, hormarka Ganacsiga”, ayuu yiri Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here