Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah siyaasi iyo Aqoonyahan ayaa ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee xubnaha Aqalka sare Maamul goboleedka Hirshabeelle, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.
Prof. Dufle ayaa helay 85 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xaashi uu helay 12 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday sida uu sheegay gudoomiyaha baarlamanka Hir-shabeelle.
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah hogaamiye kooxeedyadii hore ayaa kamid ah noqday xubnaha aqalka saree e dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.
Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee Aqalka sare ee Maamulka Hir-shabeelle, isagoohelay 91-cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Cali Caadle uu helay 4 cod kaliya, sidaasna wuxuu ku noqday senetorka 3-aad ee xubnaha aqalka sare ee Maamulka Hir-shabeelle.

