Baarlamaanka Maamulka Jubba-land ayaa maanta soo gaba-gabeeyay doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya kadib markii shalay wajiga Kowaad lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada maanta la doortay ee ka mid noqday baarlamanka cusub ee Somalia ayaa waxay kala yihiin:
1-C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxman dheere)
2-Axmed Cismaan Ibraahim
3-Sacdiyo Muuse C/laahi
4-Farxiyo Xasan Axmed
5-C/qaadir Sheekh Cali
6- Sheekh Nuur Maxamed Xasan.
Sidoo kale waxaa shalay lagu doortay magaalada Kismaayo illaa 7 xildhibaan oo noqday qeybtii ugu horeysay ee lagu doortay wejiga koowaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose Jubaland kuwaasoo kala ahaa:-
1-Cabdirashiid Maxamed Xidig.
2-Xamse Sheekh Xusseen.
3-Cabdullaahi Yuusuf Alankey.
4-Maryan Aweys Jaamac.
5-Cismaan Libaax.
6-Luul Cabdi Aadan.
7-Cabdicasiis Cabdullaahi Yuusuf.
Tani ayaa ka dhigan in Magaalada Kismaayo ee Caasimad KMG ee Maamulka Jubba-land In lagu doortay 23-xubnood oo kamid noqonaya xubnaha aqalka Hoose.

