Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban ee Heer federaalka ayaa ugu baaqay Madaxda maamul goboleedyada in ay ka shaqeeyaan sidii Haweenka ay u helilahaayeen qoondada ay leyihiin.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee federaalka Abuukaate Cumar Dhegey, ayaa sheegay in waajib ay tahay In la cadeeyo qoondada haweenka ay ku leyihiin xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose taasi hadii la waayana la raaci doono qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha wadatashiga Qaran.
“Xaqiijinta Qoondada kuraasta Haweenka ee golayaasha dalka waxa ay kamid tahay go’aanadii madaxda madasha wadatashiga ay kuwada heshiiyeen 4-tii ilaa 14-kii September ee lagu cadeeyay in hadii odoyaasha ay iskooda u keeni waayaan, in madashada Wadatashiga Qaran iyo Guddiga hergalinta doorashooyin heer dowlad goboleed ay xaq u yeelanayaan in ay cadeeyaan qodondada haweenka”, ayuu Abuukaate Cumar Dhegey.

