Maxkamad ku taala dalka Mareykanka waxaa kasoo hor muuqday labo haween oo Soomaali-Mareykan ah kuwaas oo ku eedeesnaa in ay lacago u aruuriyeen Xarakada Al-Shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.
Mrs Muna Osman Jama, oo ah 36, iyo Hinda Osman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ku heshay danbi ah inay qadka telefoonka ku abaabuleen koox haween ah oo gaareysa ilaa iyo 15 kuwaas u ururiyey lacago Al-Shabaab.
Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cosman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadkii 2014-kii, isla waqtigaas waxaa la xiray Farhia Hassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland oo ka mid aheyd kooxda ka koobneyd 15-ka haween.
Bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2017-ka ayay sheegtay Maxkamad federaali ah oo ku taallo dalka Mareykanka in xukuno kala duwan lagu rido doono labada haween ee ku eedeysan teegaarada Shabaab.

