Cali Dheere:-“Shacabka Reer Jabuuti iyo Dowladooda Waxaa Leenahay Wiilashiina Soomaliya Kala baxa”,

0

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed raagge Shiikh (Cali Dheere ) oo wareysi siiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee  ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kaasi lala eegtay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Shiikh Cali Maxamed raagge Shiikh (Cali Dheere) Afhayeenka Al-shabaab  ayaa sheegay in weerar Askar badan oo Jabuutiyaal ah lagu dilay ay ku qaadeen saldhig melleteri oo dhaca galbeedka magaalada BeledWeyne ee Gobolka Hiiraan islamarkaana ujeedka weerarkaas loo fuliyay uu guuleystay.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed raagge Shiikh Cali Dheere ayaa ugu baaqay dowladda  iyo shacabka jabuuti in wiilashooda aysna usoo dirsanin soomaliya hadii kale ay la kulmi doonaan weerarada noocaan oo kale ah.

“Shacabka  reer Jabuuti iyo dowladda Jabuuti waxaa leenahay Wiilashiina soomaliya kala baxa, kuwa aad usoo direysaana kala jooga hadii kale waxa ay la kulmi doonaan weeraro noocaan oo kala ah oo waxaad arki doontaa wiilashiina dhiigooda oo daadanaayo”, ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Dheere.

Shabaab waxa ay sheegeen in weerarkii Beledweyne  ay ku dileen 17-askari inkastoo Taliska amisom uu sheegay in weerarkaas lagu dilay 2-askari oo Jabuutiyaan ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here