Turky-ga oo Ugu Deeqay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Labo Bas Nooca aan Rasaasta Karin+Sawirro

0

Dowladda turkey-ga ayaa ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  labo bas  nooca aan rasaasta Karin, waxaana basaskaas lagu wareejiyay Safaarada Turky-ga ee Soomaliya ku leedaha Magaalada Muqdisho

Safiirka Dowladda Soomaaliya ufadhiya dalka turkiya Ambassador Cabdulaahi Sanbololshe ayaa wuxuu ka gudoomay dowladda Turky-ga deeqda baabuurta ah,oo ah mid maxaabista lagu qaadi doono aya ah mid aan rasaastu karin.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Basaska aan xabadi Karin ay u qorsheeyeen markii ay si toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xilliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Bassaskan ayaa noqon doona nooci ugu horeeyay ee Dalka Soomaaliya laga isticmaalo kaaso loogu adeegi doono maxaabiista ku xiran xabsiyada.

14708294_566479610202450_5990258846472777038_n 147720828958f36 14772082853446e

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here