Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaarey magaalada Abu dhabi ee xarunta isutaga imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee abu dhabi ayaa waxaa kusoo dhaweeyey safiirka imaaraadka carabta ufadhiya Soomaaliya Maxamed Al.Cuthmani iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumada Imaaraatka carabta.
Safarkan uu madaxweynuhu kutagey Abu dhabi ayay ujeedadiisu tahay kawada xaajoodka dhamaystirka mashaariic hormarineed oo ay Imaaraatka carabtu kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida dib udhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , Xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gano marayo oo muhiim u ah bulshada magaalada Kismaayo.
Maadaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa soo gaabin doono maadaama waqtigii doorashada dalku ay gabo gabo mareyso .
…………….DHAMAAD……………



