Ugaas Xasan:- “Waa Waxba Kama Jiraan in aan ka Qeyb Galaayo Calaama-saarka Madaxda Hir-shabeelle

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay in uu ka qeyb galaayo calaama-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka  Maamulka Hir-shabeelle oo maanta ka dhacaya Magaalada Jowhar.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku sheegay wararka ku aadan in uu tago Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle kuwa lagu baahiyay baraha bulshada islamarkaana uusan meel ugu bixin Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

“Waxaa la gaaray anoo Baledweyne dhex taagan  in la yiraahdo Xasan Ugaas wuxuu ka soo degay Xamar, Jowhar ayuuna u socdaa, waxaan rabaa inaan cadeeyo Aduunyadana u sheego inaan Baledweyne dhinac uga bixin, Jowharna aanan u socon, horayna waxaan u cadeeyay  inaan Jowhar u socon.” Ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Dhanka kale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sidoo kale beeniyay in Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble in ay kawada hadleen shalay arrimaha Maamulka Hir-shabeelle islaamrkaana uu wali ku adkeysanaayo go’aankiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here