Maamulka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in kooxo burcad badeed ah oo ku sugan degmadaas ay sii daayeen Markab ay saarnaayeen la heystayaan u badan muwaadiniin shiinees ah kadib markii la siiyay Lacago madax Furasho ah oo lagu qiyaasay 3-million.
Gudoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug C/laahi Maxamed fahad oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax burcad badeed la dhaho aysan joogin degmada Hobyo ee Gobolka Mudug islamarkaana aysan jirin lacago la siiyay burcad badeed oo sii daayay la heystayaal.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha burcad badeeda ee degmada hobyo ee Gobolka Mudug ku sugan ay sii daayeen Markab ay saarnaayeen la heystayaal u dhashay shiinaha oo sanadihii dambe ay gacanta ku hayeen.
Intii Markabka ay heysteen Burcad Badeeda Soomalida waxa dhintay Qaar kamid ahaa Shaqaalahii sarnaa ee afduubka loo haystay, Shaqaalaha waxa ay ka koobnaayeen tiro ahaan 29 Qofood.

