Hal ruux oo rayid ah ayaa dhaawac uu kasoo gaaray kadib markii Maanta barqadii uu qarax ka dhacay wada warshadaha ee magaalada Muqdisho xilli halkaa ay marayeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM,
Qaraxa oo ka dhashay Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog oo wada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Xera Jarmal oo ku taalla Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Xilliga qaraxa uu dhacayey waxaa goobta marayey gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM waxaana qaraxu uu dhacay markii ay ciidanka iyo gaadiidkoodu gudbeen qaraxa ayaana qabsaday sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeen idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho mooto bajaaj meesha maraysay xilliga qaraxu uu dhacayey waxaana ku dhaawacmay darawalkii mootada watay.
Markuu qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo muddo kooban hakad galiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaana ay sameeyeen howlgal muddo kadibna waxaa caadi kusoo laabtay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha sida uu Warbaahinta Simba u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Wada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaana aad u isticmaala Cioidanka AMISOM dhawr marna waxaa ka dhacay qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo AMISOM sidoo kale qaraxyada qaar ayaa waxyeelo u geysta dad rayid ah oo ka ag dhaw goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan ee wada warshadaha.

