Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka koonfurgalbeed ayaa nin kirishbooy aha ku dilay maanta deegaanka lafoole ee gobolka shabeellaha hoose.
Ciidamada oo ay isbaaro u taalo deegaanka lafoole ayaa si u la kac ah waxa ay u dileen nin kamid aha dhalinyarada ka shaqeysa gadiidka isaga kala goosha degmada afgooye iyo magaalad amuqdisho.
Hawaaney kamid ah dadka ku nool deegaanka lafoole oo la hadashay idaacadda simba ayaa sheegtay in ciidamada koonfurgalbeed ay dileen ninka shacabka aha kadib marki uu diiday nin la dilay in uu bixiyo lacago dheeraad aha oo ay ciidamada dalbadeen.
“Ciidamada waxa ay risaas ooda kaga qaadeen wiilka kirishboyga aha kadib marki uu bixiyay lacag aysan ciidanka u sheegen in aysna u qalmin islamarkana lacagta u badi balse isaga waxa uu ku wargeliyay ciidanka in uusan heyn lacag kale oo dheeraad ah kadibna waxa ay ciidanka risaas ku fureen wiilki dhalinyarada ah isagoona isla goobta ku dhintay” sidaa waxa tiri haweeney goobgo u ahyed dhacdadan.
Maamulada deegaanka lafoole oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in uuu faafaahino dheeraad ka bixiyo dilka ninka ra’yidka aha logu geystay deegaanka lafoole ee gobolka shabeelaha hoose.

