Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka puntland ayaa wali waxa ay dhageysanayaan khudbadaha musharixiinta u tartamaya xubinimadda Aqalka sare, ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.
Kulanka dhageysiga oo ka dhacaysa Xarunta Baarlamanka Maamulkaas waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddiyadda doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland, xildhibaano iyo xubno kale.
Musharixiinta aqalka sare u taagan ee ka imaanaya deeganada Maamulka puntland oo tiradoodu gaareyso 29 xubnood ayaa khudbadahooda ka hor jeedinaya xildhibaanada Baarlamanka Puntland.
Maalinta beri ah oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in baarlamannka maamulka uu doorto 11 xubnood ee maamulkaas ku meteli doona aqalka sare, waxaana musharaxiinta ku jira siyaasiyiin hore iyo rag iyo dumar siyaasada ku cusub.
Musharixiinta khudbadhooda ka hor jeediyay baarlamaanka, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Cabdi Mahdi oo la tartamaya faroole iyo dhowr musharax oo kale.
Dhnka kale Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ah xubnaha u tartamaya aqalka sare ayaan maanta joogin dhegaysiga khudbadaha.











