Hay’adda UHNCR ayaa xaqiijisay in dad gaaraya 26,819-qof oo qaxooti somaliyeed ah ay diyaar u yihiin inay dib ugu soo laabtaan dalkooda si iskood ah islamarkaana ay sugayaan in loo fududeeyo sidii ay usoo laaban lahaayeen.
UNHCR ayaa hadalkaan ku sheegtay warbixin bila ah oo kusaabsan qaxootiga ku jira DADAAB oo ay kusoo beegtay shalay oo axad aheed,waxaana ay sidoo kale shaacisay 2,525 qof in si iskooda ah dib ugu soo laabteem Somalia ay ku caawisay safaro dhulka iyo cirka ah intii u dhaxaysay September 16-30.
wadar ahaan qaxootiga somaliyeed ee kasoo laabtay dalka Kenya intii u dhaxaysay 8, 2014 a iyo 30 bishii September 30, waxaa ay gaarayaan 32,949 xilgaas UNHCR ay bilowday in ay taageerto dadka doonaya in ay iskooda dib ugu soo laabtaan dalka Somalia, 26,848 oo ka mid ah dadkaas waxaa ay dib usoo laabteen sanadkaan 2016-ka,sidaas waxaa sheegay madax u hadashay.
Dawlada Kenya iyo UNHCR ayaa waxaa ay kawada shaqaynayaan sidii loo xaqiijilahaa dib usoo celinta 300,000 qaxootiga somali u badan ah kuwaas oo ay deegaan u eheed muddo dheer xerada DADAAB tan iyo markii Kenya ay ku dhawaaqday in ay xirayso xeradaas.

