Xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Goordhaweyd doorashada xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug.
Jawaahir Axmed Cilmi ayaa Noqotay haweeneydii Labaad ee ku guuleysata kamid noqoshada Xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka dalka uu yeelanayo kadib markii ay heshay 51-cod, waxayna ku guuleysatay kursiga 6-aad ee aqalka sare xubnihii la tartamaayay ayaa kala ahaa Cabdisamad Macalin maxamuud, iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed.
dhanka kale Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa isna ku Guuleystay Kursiga 7-aad ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug wuxuuna ka guuleystay xubnaha kala aamino Cali Maxamed, Maxamuud Maxamed Samater,
Ugu dambeyntii Kursiga 8-aad ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug waxaa ku Guuleystay abuukar axmed Xaashi waxaa la tartamaayay Macalin Cumar sheikh Ciise,

