Cadaado oo Maanta Lagu Dooran Doono Xubno kale oo kamid Noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya

0

Xildhibaanada Baarlamanka Maamul Goboleedka  Galmudug ayaa maanta mar kale dooranaya xubno kale oo kamid noqonaya  aqalka sare ee Baarlamanka Soomaliya.

Doorashadii  shalay ka dhacday Magaalada Cadaado waxaa lagu doortay shan xubnood oo kamid noqonaya baarlamanka Federaalka Soomaliya kuwaasi oo kala ah Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Cabdi Xasan Cawaale, Cabdi Axmed Dhuxulow, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Zamzam Dahir Maxamuud.

Tartanka doorashada aqalka sare ayaa maanta  waxa uu dhex mari doonaa Mudane Cabdisamad Macalin maxamuud, Jawaahir Axmed Cilmi iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed oo ku loolamaya kursiga Beesha Cayr ee Aqalka sare, halka kursiga Beesha Mareexaan ee Aqalka sare ay ku tartami doonaan musharixiinta kala ah  C/waaxid Cilmi Goonjeex, Aamina Cali Maxamed,  iyo Maxamed Maxamed Samatar Duraan.

Sidoo kale Kursiga Beesha Dir waxaa ku tartami doona maanta  labo Musharax oo kala ah Macalin Cumar Sheekh Ciise iyo Mudane Abuukar Axmed Xaashi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here