Goolhahaya kooxda Manchester City Claudio Bravo ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in uu ka hortago saaxiibkiisa Hore ee Marc-Andre ter Stegen kulanka Champions League ee ka dhici doona Garoonka camp Nou.
Labada Goolhaye ayaa ku tartamayay Numberka 1-aad ee Barcelona labadii xili ciyaareed aynu soo dhaafnay balse Claudio Bravo ayaa doortay in uu kaliyah ciyaaro kulamada Horyaalka Spain, halka Marc-Andre ter Stegen uu dooqday ciyaarista Champions League iyo Copa del Rey.
Kooxda Manchester city ayaa dalab ka gudbisay Goolhayaha xulka dalka germany Ter Stegen bilowgii xili ciyaareedkaan balse Goolhayaha xulka Chile Claudio Bravo ayaa go’aansaday ka dhaqaaqista Horyaalka Spain isagoo kusoo biiray Naadiga Manchester city.

